Maqal Aragti Turjubaan

Aragtida gobalka galbeedka Götaland waa nolol wanaagsan. Habkeena qeybta Baxnaaninta iyo Caafimaadka ayaa ku dhisan furnaan, ka qeyb qaadasho iyo in qof kastaahi yahay mid qiime iyo qaayo leeyahay.

Howl-qabadkeena

Howl-qabadkeena ayaa la shaqeeya caruurta iyo dadka waaweyn ee da'doodu kala duwan tahay.

Howl-qabadka maqalka:

Adiga sida joogtada dhegahay u jiga, dhagoolka ah ama qaba dhego la'aan iyo indho la'naan, iyo ehelkaada iyo qaraabadaada.

Howl-qabadka aragtida:

Adiga qaba aragti hooseysa ama indho la'aan joogto ah, meel dhexaada ama mid weyn.

Howl-qabadka turjubaanka:

Adeeggeena ayaa loogu tala galay qofka dhagoolka ah, dhego la'aan iyo indho la'aana, qaba dhaawac maqalka ah iyo adiga qaba naafada quseysa codka, hadalka iyo afka. Adeegga ayaa waxa kaloo loogu tala galay adiga xiriirka la leh kooxahan dusha ku xusan.

Sidee beynu u shaqeynaa?

Waxeynu raaceynaa sharciga caafimaadka iyo daryeelka bukaanka (HSL) kaasoo waxa u sheegayo ay ka mid tahay inaan xogtaada qarino. Waxeynu kaloo dadka ka caawinaa gargaar ku saabsan sharciga gargaarka iyo adeegga ee dadka qaar een qaba naafada (LSS).

Waxqabadkeena waxa bixiya koox xirfadeed kala duwan lehna xirfado caafimaad, farsamo, waxbarasho, iyo mid bulsho iyo maskaxeed taasoo ka amba qaadeysa aragtida guud isla markaana adiga iyo haddii loo baahdo ehelkaada aad qeyb ka noqoneysaan dhamaan qorshaha kala duwan. 

Wax-qabadkeena ayaa leh wada shaqeyn.

Waxeynu sameynaa cudur-baaris qaar, tijaabinaa qalabka wax caawiya ee la waafajiyey, bixinaa tababarka isticmaalka qalabka wax caawiyo, hagid, warbixin, isku xir iyo daba gal waxqabadka. Waxaad kalood heli kartaa hagaajin qalabkaada wax caawiyo. 

Ahmiyadda koowaad ee waxqabadka turjubaanka ayaa ah helidda adeeg turjubaan afar iyo labaatan saac, dhamaan maalmaha sanadka. 

Adeegga turjubaanka ee ku saabsan turjumaadda caadiga ah waa lacag la'aan.

Qabashada howlaha turjubaanada waxa bixiya turjubaano leh awood xirfadeed afka faraha laga hadlo, turjumidda dadka dhegaha iyo indhahaba la', hadal cad iyo aqoon xirfadeed bixinta gargaar hadal, aqris iyo qoraal intaba.

Sidee baa nalooga heli karaa adeegga?

Imitaanka howl-qabadka aragtida waxey ku xiran tahay inuu ku diro dhaqtarka indhaha. 

Waxqabadka maqalka wuxuu ku talinayaa inaad marka hore tagto rugta daryeelka caafimaadka si uu dhaqtar kuugu soo diro baaritaan dhegaha.

Si aad u hesho howlaha adeegga turjubaanka waa inaad la xiriirtaa dalbashada turjubaan ee adeegga turjubaanka (tolktjänst) ama adeegga hadalka. Uma baahnid in dhaqtar ku soo diro.

Ma dooneysaa inaad ogaato wax intaa ka badan ee ku saabsan sidan u shaqeyno waxad ka aqrisan kartaa waxa ku hoos yaal qeyb kastaa ee naafooyinka kala duwan.