Haddii aadan ku qanacsanayn daryeelka caafimaadka

Fikradaha iyo ashtakooyinka micne wayn bay samayn karaan

Haddii aad dareentay wax ka jira daryeelka caafimaadka oo aadan ku qancin waxaad soo gudbin kartaa sidaad u aragtid ama ka ashtakoon kartaa. Waxaad samayn kartaa sidaas ka bukaan ahaan ama ehel (qaraabo) ahaan.

Aragtida iyo ashtakooyinka aad soo gudbisid waxay micne wayn u samayn karaan daryeelka caafimaadka iyo bukaanka kale. Aragtida iyo ashtakooyinka waxay ka qabyqaadanayaan horumarka daryeelka caafimaadka oo waxay tusaale ahaan ku saabsanaan karaan macaamilka, helitaanka ama daawaynta.

La xiriir gacanta koowaad qaybta qaabilaadda ama xarunta caafimaad ee adiga ama qofka ehelkaaga ah aad ka hesheen daryeelka caafimaad. Waxaad markaas fursad u heli doontaan inaad si wadajir ah u xalisaan wixii dhacay. Haddii aadan rabin inaad toos ula xiriirtid xarunta caafimaad waxaad la xiriiri kartaa hey´adda bukaanka (guddiga bukaanka).

Hey´adda bukaanka waxay kaa caawin karaan in aragtiyo iyo ashtakooyin aad soo gudbisid

Hey´adda bukaanka waa hey´ad dhexdhexaad ah oo ka jirta dhammaan gobollada oo waxay kaa caawin kartaa inaad soo gudbisid aragtidaada iyo ashtakooyinka aad qabtid oo usoo gudbin kartaa meelaha ay qusayso oo ka shaqaynasaa in laga jawaabo.

Hey´adda bukaanka ma baarto ashtakooyinka ee waxay u shaqaysaa sidii isku xire u dhexeeya adiga iyo xarunta caafimaad. Hey´adda bukaanka ma samayso qiimayn caafimaad go´aanna kama gaarto inuu daryeelka caafimaadku sax sameeyay iyo inuu khalad sameeyay, waa arrin u taal cidda hawlaha caafimaad ka mas´uulka ah.

Jihayn ku saabsan xuquuqaha daryeelka caafimaadka

Hey´adda bukaanka waxay kugu jihayn kartaa xuquuqaha aad ku leedahay daryeelka caafimaadka. Waad qarin kartaa qofka aad tahay markii aad la xiriiraysid hey´adda bukaanka daryeelka caafimaadkana waxaa saaran sir xajin.

Hey´adda bukaanka waxay qaabishaa fikradaha iyo ashtakooyinka ku saabsan daryeelka caafimaadka guud, jirrooyinka iyo daryeelka ilkaha, daryeelka caafimaadka heer degmo iyo sidoo kale daryeelka caafimaadka iskuulka ee gobolka Västra Götaland. Iswiidhan waxaa ka jira dhowr hey´ado bukaan, la xiriir hey´adda bukaanka gobolka aad ka heshay daryeelka caafimaad.

Kusoo dhawow inaad lasoo xiriirtid Hey´adda bukaanka

Länk till folder:
Inte nöjd med vården, patientnämnden - somaliska - broschyr.pdf (vgregion.se)