Macluumaad loogu talogaley qofka bukaanka ah

Waa maxey macnaha meherad takhasus gaar ah u leh sarimaha hbtq?

Meherad takhasus gaaar ah u leh arimaha hbtq waxaa ay macnaheedu tahay in dhamaan shaqaalaha ka shaqeeya qaybta ay ka qayb qaateen koorso waxbarasho oo diirada saareysa caadooyinka ku wajahan jinsiga iyo galmada. Hadafka meheradu waa in ay ahaato mid la heli karo isla markaan si fiican u qaabisha dhamaan dadka oo dhan taas oo aan ku xidhneyn jinsiga uu qofku isku haysto in uu yahay, sifaha jinsiga iyo galmada. Fadlan ka akhri halkan macluumaad dheeri ah oo ku saabsan waxyaabaha ay koorsadu ka koobantahay iyo hadafka laga leeyahay.

Maxaa kaaga baxey booqashadaadi? Fikirkaagu waa mid aad muhiim u ah!

Aragtidaadu waxaa ay noo suurogalin kartaa in aan sii wadno horumarka meherada ee ku wajahan takhasusuka gaarka ah ee shaqsiyaadka hbtq isla markaana aan ka midho dhalino hadafka koorsada. Dabcan magacaagu wuxuu ahaan doonaa mid qarsoon. Haddii aad rabto in aan dib kuula soo xidhiidhno fadlan noo reeb macluumaadka sida laguula soo xidhiidhi karo.

Halkan baad ka heli kartaa dhamaan meheradaha takhasuska gaarka ah u leh arimaha hbtq.