Quudinta – Nafaqada iyo isu dhawaanshaha

mata_1290500113.jpg

Naas nuujinta

Amma4.jpg

Hooyo weliba iyada ayaa go’aansata sida ilmaheeda loo quudinayo. Laakiin naasnuujintu waa talada ugu horraysa ee aanu siino hooyada. Dalkan Sweden, waxa aanu raacnaa talooyinka WHO, kuwaasoo ah in ilmaha la naasnuujiyo lix bilood dabadeetana loo bilaabo cunnoyinka kale iyadoo la naasnuujinaayo illamaa iyo uu laba sanno ka gaadhaayo. Caanaha naasku waxa ay ka kooban yihiin isku darka saxda ah ee ka kooban wax kasta oo ilmuhu ubaahan yahay. Taa waxa dheer, in ilmuhu helaayo dhawaanshiyo iyo xassilooni marka la naas nuujinaaayo.


Faa’idooyinka Caanaha Naaska

Fördelar med bröstmjölk_156014336.jpg
  • Nafaqo leh
  • Si fudud loo dheefshiidi karo
  • Si gaar ah loogu sameeyay ilmahaaga
  • Heerkulbeega saxda ah
  • Xaddiga saxda ah
  • Faaido uleh ilmaha difaaca jidhkiisa
  • Ku jiraan dheecaamada korriinka
  • Ka ilaalinaya caabuqa (unugyada difaaca jidhka)
  • Cunnadu badanka waa mid dhow oo diyaar ah

Qaabka naasnuujineed ee saxda ah

Amma3.jpg

Inaad fahanto qaabka saxda ah ee naasnuujineed marka hore waa ay yar adkaan kartaa. Calaamad fiican waxa ah in aanay wax xanuun ah lahayn. Halkan waxa ah talooyin kale.

  • Ilmaha qabo oo soo dhawayso
  • Ibta naaska waxa aad la eegataa ilmaha dibintiisa sare
  • In ilmaha dibnihiisu ay usoo taagan yihiin dhanka naaska waa calaamad fiican. 
  • Hubi in ilmuhu uu jaqaayo adoo eegaaya dhaqdhaqaaqa daanka
  • Ilmuhu waa inuu afkiisa ku haystaa ibta naaska sida ay udhantahay iyo qayb ka mid ah qaybta naaska madaw ee ku hareeraysan ibta naaska.
  • Dib usoo bilaw hadii ilmahaagu si wacan uqabsan waayo. Geli mid ka mid ah fartaada yar ilmaha afkiisa sia aad uga soo dayso naqaska. Deetana waa uu sii daynayaa dibna waa uu usoo bilaabi karaa.

Hadii aad caawimo u baahantahay marka aad naasnuujinayso, la xidhiidh rugta naasnuujinta, BVC ama rugta caafimaadka ee hooyooyinka.


Talooyin naasnuujineed oo dheeraad ah

Fler amningstips_1440379625.jpg

Naasnuujintu waxa ay qaadataa wakhti dheer iyo tamar badan bilawga. Sababtaa awgeed ayaa taageeradu mihiim u tahay, mararka qaarna nasashadu wakhtiga udhexeeya wakhtiyada naasnuujinta. Waxa aad isku daydaa inaad abuurto xassilooni iyo dagganaan wakhtiyada naas nuujinta waayo dheecaan ka oxytocin ee sababa dareenka fiican uu sababo in caanuhu si wacan usoo burqadaan. Taladayadu waa in ilmaha la naasnuujiyo markuu ubaahdoba, tanoo ay macneheedu tahay in la naas nuujiyo ilmaha marka uu yeesho calaamadaha inuu doonaayo inuu quuto - xataa hadii uu wakhti yari kaoo wareegay markii u dambaysay ee aad naasnuujisay.


Quudinta masaasadda

nappflaska.jpg

Hooyooyinka qaar ayaan awood ulahayn inay naasnuujiyaan, qaar kalena ma doonayaan inay naasnuujiyaan sababo kala duwan awgood. Markaa baddal fiicani waxa uu noqon karaa in ilmaha lagu quudiyo koobo ama masaasada ay ku jirto caanaha naasku ama baddalka caanaha naaska. Talooyin la mid ah kuwii naasnuujinta ayuunbaa ay tahay inaad raacdo. Markaa, quudi ilamahaaga marka uu yeesho calaamadaha gaajada ilmahana isku soo dhawee waayo tani waxay ka caawinaysaa in ilmuhu kugu xidhmo.


Beddelka caanaha naaska

ersättning1481265608.jpg

Beddelka caanaha naaska waa kuwo ku diyaar ah bakhaarada raashinka waana beddel lagu qanci karo marka laga eego gaar ahaan dhinaca nafaqada. Waxa jira summado iyo astaamo kala duwan aan doorasho shakhsiyadeed ta qofka ku habbon. Masaasadaha caruurtuna waa sidoo kale. Waa inaad adiga laftigaagu dhadhamisaa si aad u ogaato nooca ku anfacaya.


Tani waxa ay tahay sida aad u ogaanayso in ilmahaaga gaajaysan yahay

bebisen är hungrig_586197239.jpg
Calaamdaha hore

Ilmuhu waa uu is qalqallociyaa isna kal bixiyaa, madixiisa ayuu taabtaa, gacmihiisa ayuu ruxaa, wu uhamaamsadaa, dibnihiisa ayuu dhirbaaxaa, waxa uu sameeyaa codad iyo ficillo sidii uu wax jaqaayo waxaan uu raadsadaa naaska.

Calaamadaha uu sameeyo ilmuhugoor dambe

Ilmuhu waxa uu galiyaa gacantiisa afkiisa waana uu jaqaa. Dhaqdhaqaaqiisu waa uu bataa waxana laga yaabaa inuu dareemo nasahso la’aan. kama dambaystiina oohinta iyo qaylada ayuu bilaabaa.

Waa ay fududahay in la quudiyo ilmo daggan oo markaasina gaajoonaayo. Hadii uu cadhaysan yahay, daji marka hore deetana quudi. Naasnuuji marka ilmuhu sameeyo tilmaamo sheegaya inuu gaajoonaayo. Sida tan, soo saarka caanuhu waa mid ku miisaaman baahida. Ilmaha dhashay calooshiisu waxay leegtahay xajmiga xabbad midhaha cascas ah (a cherry). Taasi waa sababta inyar in laquudiyo marar badana quudinta lagu celceliyo ay u tahay xeer wanaagsan. Marka ilmaha uu kuu dhaw yahay, waa y kuu fududaanaysaa inaad ogaato tilmaamaha hore.


Naqas kasoo daynta caloosha ilmahaaga

Erbjud barnet att rapa_188170445.jpg

Hadii ilmahaagu aad siinayso caanaha naaska ama badalkoodaba, waxa badanka dhacda in ay hawo badan ay gasho caloolshooda. Tani waxa ay keeni kartaa inaad aaminto in ilmuhu si wacan udhargay ama waxa ay sababi kartaa calool xanuun. Tani waa sababta ay ufiican tahay in ilmaha naqaska laga soo daayo calooshiidsa. Sida ugu fudud ee aad u samayn karto tani waa inaad ilmaha u qabato si toos ah adoo markaasi ku beegaaya naaska ama garabka muddo wakhti ah. Waxa aad xasuusnaata kaliya in caruurtu kala duwan yihiin. Sida ay udhan yihiin naqas masoo daayaan.


Macluumaad mihiim ah oo ku saabsan saxarada

Värdefull bajsinfo_1198705747.jpg

Caruurtu waa ay ku kala duwan yihiin inta jeer ee ay saxaroodaan. Qaar ka mid ah caruurtra waa ay saxaroodaan cunno kasta ka dib, qaarna hal mar maalintii ama xattaa usbuuciibaa. Saxarada ugu horraysa ee ilmaha kasoo baxdaa badanka waa madaw, adayg dhagdhag ayana ay leedahay. Laakiin usbuuc gudihii ilmaha jidhkiisu waxa uu la qabsadaa cunnada cusub saxaradana midabkeedu waxa uu noqdaa huruud.


Cunnada ilmaha la siinayo marka naas nuujinayso

Kost under amning_753547633.jpg

Marka aad naas nuujiso ilmaha, ilmuhu nafaqada uu baahan yahay caanahaas oo dhan ayuu ka helaa. Waxa aad ogaataa inaad ubaahantahay tamar iyo woxooga cabitaan dheeraad ah marka loo eegi caadi ahaan. Sidoo kale waxaad isku daydaydaa inaad cunto cunno kala duwan oo ay ku jirto vitamino iyo macdano badan. Hadii ilmahaaga calool xanuun yeesho, waxa aad yaran kartaa cunnada aad cunto ee soo saarta hawada, sida bashasha, beans ka iyo cunnoyinka caanaha laga soo saaro. Waxa aad ka heli kartaa talooyin fiican Hay’adda Cunnada ee Sweden qabybta talooyinka naas nuujinta.


Caabuqa naaska

Calaamadaha lagu garto caabuqa naaska waa adkaansho xanuun leh oo naasku adkaanaayo, tanoo ay la socoto inuu casaan yeesho bararana. Waxa kale oo laga yaaba inaad yeelato xummad guud ahaana dareento in xaaladaada caafimaad fiicnayn. Waxa badanka ku caawinaya inaad naas nuujisto ama aad caanaha kasoo tuujiso si aad cadaadiska u yaraado. Hadii xummadu kaaga jabi waydo paracetamol waxa laga yaaba inaad cababuq yeelatay. Hadii ay sidaa tahyay, waaa inaad raadsato daryeel caafimaad.


Naas caano iskiisa usoo daynaya

Bröst som läcker_696023476.jpg

Naasaha badankoodu iskood ayaa ay usoo daayaan caano marka aad bilawdo naas nuujiinta ama xataa muddada uurka. Cadaadi ibta naaska woxoogaa si aad u yarayso caanaha soo dareeyaya iskooda\. Waxa kjale oo suurto gal ah inaad geliso naas nuujiyaha ama caano ururiyaha keeshaliga hoostiisa si aanu dharkaagu uqoyin. Waxaad isku daydaydaa in uu qallan yahay naaskaaga yahayna diirrimaad si aad ugu hortagto inuu xanuun yeesho.


Xanuuna ibta naaska

Såriga bröstvårtor_1016513776.jpg

Waxaa badanaa dhada inaad yeelato meelo ku xanuuna oo ibta naaska ah marka lagu gudo jiro muddada naasnuujijnta waxana laga yaabaa inay ku xanuunto marka ilmuhu jaqaayo naaska. Sababta tan keenta waxa ay tahay in badanaa ilamahaagu aanu si wacan ugu buuxsan ibta naaska. Isku day oo tijaabi dhinacyada kale ee ilmha loo naas nuujiyo eegna inay ku caawiso. Meelaha ku xanuuna ee ibta naaska waxa aad marin kartaa caanaha naaska si ay hore ugu bugsadaan.


Xasuusnow!

Kom ihåg_VGR17-SU01398_large.jpg

Caanaha naasku waa ay u fiican yihiin ilamahaaga, laakin kuma qasbanid inaad naasnuujiso ilamahaaga. Ma jiro xal ku habboon dhamaan caruurta iyo waalidkaba.


Chatta med Liv