Qaybaha cudurrada maanka/maskaxda ee loogu talogaley daryeelka caafimaadka hooyada- iyo daryeelka dhalaanka (Psykologenheter för mödra- och barnhälsovård)

Waxaa loogu talogaley qofka dareemaya in uu u baahanyahay talo bixin iyo kaalmo dheeri ah oo la xidhiidha waalidnimadaad taas oo dheeri ka ah kaalmada aad ka hesho qaybaha ummulinta iyo rugaha daryeelka caafimaadka dhalaanka.
Waxaa aad nala soo xidhiidhi kartaa haddii aad qabto su’aalo la xidhiidha:
• Welwel ku wajahan in aad noqoto waalid
• Sida ay tahay xaaladaada caafimaad marka aad waalid noqoto
• Marka ay dhibaato kaala soo deristo xagga waalidnimadaada
• Dabeecada iyo koriinka ilamahaaga
• Dhacdooyinka qoyska ee saameyn ku yeelan kara adiga iyo ilmahaaga labadiinaba
Waxaa aan qaabilnaa dadka walidiin noqon doona, caruurta ay da’doodu u dhaxayso 0–5 sanno jir iyo waalidiintooda kali kali iyo koox koox labadaba.
Waxaa aan fulinaa qiimayn lagu sameynayo koriinka ilmaha, hawshaas oo ay noo idmatey in aan u fulinio rugta daryeelka caafimaadka dhalaanka.
Waxaa aad marka ugu horeysa la xidhiidhi doontaa cid ka mid aha dhakhaatiirta xagga maanka/maskaxda adiga oo sii maraya rugta daryeelka caafimaadka dhalaanka ama rugta daryeelka hooyada uurka leh.